EXERCISING AND LIGHT SPORT IS ESSENTIAL FOR PERSON'S HEALTH

Caafimaadka waxaa saldhig u ah jimicsi iyo ciyaaraha fudud

Exercising & Health


30 Daqiiqo Maalintii - 5 Maalmood

Waxay Khubaradu ku taliyeen inaad ciyaarto ama jimicsi u baxdo 30 daqiiqo maalintii oo si joogta aad u waddo 5 Maalmood”

Ciyaar fudu samee - dhidid oo wadnahaagana ka shaqaysii

Socod talaagadiisu boobsiis tahay

Baaskiilka Fadhiga leh ood guriga dhexdiisa ku caydhiso

Ilmaha banaanka kubad la ciyaar!

COMING SOON:

Local Events

Kulanka Jimicsiga Dadka Waawayn

Local Sport Teams

Kulanka Kooxaha Ciyaarah Columbus

Wake-up and Workout

Kafaa'iidaysiga Gym ka

DISPARITIES & BREAKING THE SILENCE

The Columbus City Council passed a resolution declaring racism to be a public health crisis  recommits our full attention to improving the quality of life and health of our minority residents.

Sonkorowga Nooca - 1 & Jimicsiga

Diabetes Type - 2 & E

Dadka qaba macaanka ama sonkorowga nooca kowaad (Diabetes Type-1) ee jecel inay sameeyaan jimicsi (exercise) ama ciyaraan (sport) ka waxaa la gudboon inay taxadar dheeraad ah u yeeshaan heerka iyo qiyaasta uu tagayo "macaanka dhiigooda". Marka loo eego hadba adayga nooca ciyaaraha (sport) ay ciyaarayaan. Hadaba waxaa suurtogal ah in macaanka dhiigoodu (hyperglycaemia) uu kor u kaco ama uu hoos u dhaco macaankaasi (hypoglycaemia).

Jimicsiga, socodka, orodka , baaskiil-wadidu ama inaad kubada cagta(soccer) ama kubada kolayga(basketball) iyo ciyaaraha la midka ah aad ciyaartid waxay si wayn u waxtar ugu yeelanaysaa caafimaadkaaga, badqabka jirkaaga, murqahaaga, wadnahaaga, wareega dhiigaaga, maskaxdaada, tayada xusuustaada, dheef-shiidkaaga iyo hurdadaada. Isku day inaadan joojin jimicsiga iyo ciyaaraha balse latasho dhakhtarkaaga marka hore lana soco isbadala ku imankaraya xaaladaada caafimaad.

  • Intaadan Jimicsi Bilaabin Is Cabir.
  • Meel Ku Qor Inta Cabirku Noqdo.
  • Biyo Cab Intaad Ciyaarayso.
  • La Wadaag Dhakhtarka Isbadalada
  • Cun Cunto aad carbohydrate ka Hesho Jimicsiga Kadib.
  • Joogto Ka Dhig Ciyaaraha iyo oo Haka Caajisin.

Reintroduce yourself with your favorite activity and grow into it.

Pick up the ball and rattle the nets!

Aad garoonka ama Park ka kuugo dhow, kaxayso mid ama labo saaxiibadaa ah, soo soco cabaar, banooni fudud la ciyaar hadaad awoodo. Hadaad kaligaa tagtano, hawada cusub soo qaado ku soo mushaax halkaa. Xusuuso inaad marwalba biyahaaga sii qaadato.

Put on your running shoes and hit road

Bal Marka Hore Socod Ku Bilow, Muddo Yar Kadib Adoonba Ogaan Ayaad Arkaysaa Adigoo Talaabadii Boobsiinaya, Maalma Kadib Waabad Ruclaynaysaa (Jogging) Hadaad Sii Waddo Muddo Gaaban Kadib Waaba Adigii Ordaya.

Vicinity Hiking

Socodku Wuxuu Kujiraa Jimicsiga Dhexe ee Xitaa Ku Haboo dadka Macaanka Qaba(Diabetics). Waxaa Helaysaa Waxtar Wayn Hadii aad 30-45 Daqiiqadoo Maalintii Lugayso, Waad La Qabsan ee Haka Daalin. Marwalba Biyo Siiqaado.