Hadii Aad Raadinaysid Goobta Kuugu Dhow ee Talaalka Covid-19 Hadda Waa Diyaar

Bogga Ohio Department of Health ee Covid-19

Bogga Governor Ka Ohio Mike DeWine

Goobaha Bixinta Talaalka ee Covid-19

Jadwalka Hoose Waxaad Galisaa Magaca County ga aad degantahay ee Ohio - tusaale . Franklin Kadibna Riix Apply, Waa Hadii aad joogtid Columbus Iyo Nawaaxigeeda

UPCOMING WEBINAR

Wuxuu leeyahay bogga Ohio ee u gaarka ah Corona Virus

Wakhtigan dadka reer Ohio ee 80 jirka ah iyo inta ka sii wayn ayaa ah kuwa ugo horeeya ee loo ogalyahay inay is talaalan. Dadka la talaalayo sida ay u kala waynyihiin ee hoos ku xussan ayaa la issu raacinayaa asbuuc walba, iyadoo loogu horaysiinayo dadka nugul ee tamarta yar. Taas oo sahlaysa in si habsami leh u bilaabmo wajiga 1B (Phase 1B) ee talaalka. Asbuuc kasta waxa la sii kordhinayaa dadka reer Ohio ee markaa u qalma talaalka.

Hadaba, markii la bilaabo koox cusub oo isku da'ah (new age group) waxaa suurto gal ah in kooxdii ka horaysay ee ka da'da waynayd ayan wali u dhamaystirmin talaalkoodii, waxaa laga yaabaa in dhowr asbuuc ay qaadato in lawada gaadhsiiyo talaalka iyagoo dhan sababtoo ah waxaa xadidan oo yar tirada talaalka kaydka diyaarka ku ah . Marka waxay noqonaysaa in koox raacii hore ku jirtay wali la siiyo talaal iyadoo jadwalku soo galay asbuucii kooxda raacii kuwaas ka dambeeyay.

  • Asbuuca 19ka Janaayo (19 January): 80 jirka reer Ohio iyo inta ka wayn
  • Asbuuca 25ka Janaayo ( 25 January) 75 jirka reer Ohio iyo inta ka wayn; dadka ku dhashay cillad ama koriinkoodu cillad wiiqda gashay
  • Asbuuca 1da Feberaayo (1 February) 60 jirka reer Ohio; Shaqaalaha iskuulada caruurta illaa ka sare (K-12) ee raba in inay iskuulka dhexdiisa wax ku baraan
  • Asbuuca 8da Feberaayo (8 February) 65 jirka iyo inta ka wayn

Isticmaalka Calaamada Doorashada ( Check Mark )

Jadwalka Hoose ka Raadi County gaaga ama Zip Code kaaga. Marka Rabto Inaad Soocatid Goobaha Talaalka ee County ama Zip kaaga oo Kaliya. (All) Taabo, Kana Qaad Calaamada Doorasha (Check Mark) Waxaad Markaa Qortaa Magaca County ga, Tusaale Franklin Kadibna Magacaas Kaliya Saar Calaamda Doorshada (Check Mark) Waxaa Kuu soo Soocmaya Goobaha Talaalka ee Columbus iyo Nawaaxigeeda Looga Cayimay.